Col Saney Cabdulle oo ku dhawacmay weerarkii ka dhacay Biyo Cadde

644

Wararka ka imanaya deegaanka Biyo Cade ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa lagu weeraray saldhig ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde halkaasna uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,

Col Saney Cabdulle oo ka mid ahaa saraakiisha hogaaminaysay ciidamadii ka soo horjeestey muddo kordhinta Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Biyo Cadde oo illaa 45 xigta dhinaca Bari caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.