Liverpool Oo kutumatay Brentford+SAWIRRO

782

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay Anfield.

Liverpool ayaa kulanka soo gashay iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay ku fashilmeen in ay guul gaadheen 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Reds ayaa si fiican ku bilaabatay iyaga oo maamulayay ciyaarta xilli ay Brentford difaac ku jirtay xilli ayna wax halis ah kala kulmin weerarada Liverpool.

Brentford ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo Liverpool u diiday in ay si dhib yar gool ku dhaliyaan inkasta oo ayna wax weeraro ah ku qaadin.

Daqiiqadii 44-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Fabinho kaas oo goolasha u furay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool si fiican u ciyaartay waliba ka awood badnayd kooxda ay la ciyaarayso ee Brentford.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan kana hor istaagaan Brentford in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 69-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Liverpool ayaa daqiiqadii 77-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka 3-aad uu u dhaliyay xiddiga Tukami Minamino kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Brentford iyaga oo kaalinta 2-aad kala baxay kooxda chelsea.