DAAWO:-Liverpool Oo Xasuuqday Fc Porto +SAWIRRO

431

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Fc Porto kulan dhinac kaliya ahaa oo ay Reds ku ciqaabtay kooxda Porto kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League.

Kulanka ayaa ahaa hal dhinac iyada oo Liverpool ka fiicnayd kooxda Porto kana awood badnayd kooxda reer Portugal bilow ilaa dhamaadka ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Liverpool ayaa sii waday weerarka iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta xilli ay Fc Porto ku dhibaatoonayso in ay weerar halis ah ku qaado Liverpool.

Daqiiqadii 45-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Kooxda Jurgen Klopp ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ka fiicantahay Porto waliba hogaaminayso ciyaarta qaab ciyaareed hadii ay tahay ama natiijo ahaan.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan kuna hogaaminayaan ciyaarta.

Daqiiqadii 60-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 xilli ay Liverpool dishay ciyaarta gabi ahaan.

Liverpool ayaa wixii intaas ka dambeeyay bilowday in ay raadiso goolal ay ku dhaliso goolal ay ku badsanayso ciyaarta.

Fc Porto ayaa daqiqiadii 74-aad dhalisay goolka -aad waxana u dhaliyay xiddiga Mehdi Taremi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Porto ku soo ceshatay gool.

Daqiiqadii 77-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo gool kaydka kala soo kacay ciyaartana ka dhigay 4/1

Xiddiga Roberto Firmino ayaa daqiqiadii 81-aad dhaliyay goolka 5-aad ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa u sii dheereeyay hogaanka kana dhigay 5/1.

Dhanka kale Ac Milan ayaa guuldaro niyad jab leh daqiiqadihii ugu dambeeyay kala kulantay kooxda Atletico Madrid.