Leicester City Oo Chelsea Ku Garaacday Koobka FA Cup-ka +SAWIRRO

812

Kooxda Leicester City ayaa Chelsea ku garaacday koobka FA Cup-ka kadib kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Wembley xilli ay Blues Oo Ku Fashilantay Koobkeedii Ugu Horeeyay Ee Xilli Ciyaareedkan.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood kulanka ku soo galeen ka go’naansho mid walba doonaysay in u ciyaarto sida ugu fiican ee ay awoodo maadama uu yahay kulan Final-ka ah oo aan la dhayalsan karin.

Kooxda Chelsea ayaa ahayd kooxda maamulaysay dhanka kubad haysashada halka ay Leicester City ku jirtay difaac sidoo kale qaadaysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo kubada u tuurayay Jamie Vardy.

Marka laga hadlayo fursadaha ugu fiican ee kulanka waxa heshay kooxda Leicester City qaybta hore ee ciyaarta xilli ay chelsea ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta oo ahayd mid aan fursado badan la isku ogolaan.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku dhibaatoodeen in ay wax gool ah kubada soo taabsiiyaan.

Qaybta Dambe:

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilowday iyada oo koox walba dhankooda u doonaysay in ay natiijada dhankooda u badasho waliba koox walba doonaysay in ay noqoto kooxda dhalisa goolka ugu horeeya.

Chelsea ayaa sidii qaybtii hore ku fiicnayd kubad haysashada laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Leicester City kuwaas oo 10 xiddig ku daba joogay kubada.

Daqiiqadii 63-aad ayay Leicester City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana ciyaarta u dhaliyay xiddiga Youri Tielemans kaas oo ciyaarta hogaankeeda u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Leicester City ayaa sii xoojisay daafaca iyaga oo xidhay meel walba oo ay xiddigaha chelsea isku dayaan in ay kubada mariyaan iyaga oo 11 xiddig ku difaacanayay.

Chelsea ayaa dhankeeda wax walba oo ay awooday ku tuurtay weerarka si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha xilli uu Thomas Tuchel xiddigaha khadka dhexe ee kooxdiisa ku badalay xiddigo weerar ah.

Daqiiqadii 88-aad ayay chelsea dhalisay goolka bar-baraha waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddig Leicester City ah laakiin waxa la diiday goolka kadib markii xiddiga soo dhigay kubada oo Ben Chilwell ahaa ku jiray Offside.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leicester City ku guulaystay koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan iyaga oo markii ugu horaysay ku guulaystay koobka taariikhdooda.