Chelsea Oo Bar-Baro lagashay Southampton +SAWIRRO

278

Kooxda chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Chelsea ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo maamulayay ciyaarta waliba Southampton u diiday in ay fursado helaan.

Dhanka kale kooxda Southampton ayaa difaacasho ku bilaabatay iyaga oo Chelsea ka ilaashanayay goolkooda si aan goolal looga dhalin.

Daqiiqadii 33-aad ayay Southampton ka yaabsatay chelsea iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Tukami Minamino kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka.

Chelsea ayaa wax walba u samaysay in ay dhaliso goolka bar-baraha laakiin Southampton ayaa si cajiib ah u difaacatay iyaga oo chelsea u diiday in ay goolkooda arkaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea wax walba ku fiicnayd laakiin ku dambaysay natiijada ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Southampton ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay chelsea gool kale ka dhaliyaan si ay ciyaarta u dilaan.

Laakiin Chelsea ayaa ciyaarta la wareegtay waxana ay bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah.

Daqiiqadii 54-aad ayay Chelsea dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea lumisay dhibco muhiim ah kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Southampton.