Wolves Oo Garaacday Arsenal +SAWIRRO

289

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Wolves kulan ka dhacay Emirates kana tirsan horyaalka premier League todobaadkii 10-aad.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo labada kooxoodba qadayeen weeraro ay mid walba ku doonaysay in ay ku dhaliso goolal.

Ciyaarta ayaa 10 daqiiqo la joojiyay kadib markii ay madaxa isku dhufteen xiddigaha Raul Jimenez Iyo David Luiz iyada oo xiddiga Raul Jimenez laga saaray ciyaarta dhakhtar-kana loola cararay halka uu David Luiz qaybtii hore sii watay ciyaarta.

Kooxda Wolves oo uu ka dhaawacmay weeraryahankoodii ugu fiicnaa ayaa daqiiqadii 27-aad hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu xiddiga Pedro Neto u dhaliyay goolka 1-aad.

Laakiin Arsenal ayaa laba jibaartay weerarada ay ku doonaysay goolka bar-baraha xilli ay Wolves ciyaaraysay daafac iyo weerar rogaal celis ah.

Daqiiqadii 30-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel kaas oo gool madax ah u dhaliyay ciyaartana ka dhigay 1/1.

Labada kooxood ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen ciyaarista iyo isku jawaabista weerarka iyo weerar celiska ah.

Kooxda Wolves ayaa mar kale hogaanka u qabatay iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Daniel Podence kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ku dhibaatoonaysay ciyaarta waliba aan ka faa’iidaysan fursadihii ay helee.

Qaybta Dambe:

Kooxda Arsenal ayaa qaybtii dambe ahayd mid si weyn uga fiicnayd kooxda Wolves kuwaas oo inta badan daafac ku jiray.

Arsenal ayaa heshay fursado waali ah oo goolka hortiisa ah laakiin kooxda Arsenal oo uu ugu horeeyo weeraryahanka Aubameyang iyo waliba xiddiga Saka Kooxda ka khasaariyeen fursado badan oo waali ah.

Goolhayaha Kooxda Wolves ayaa xitaa u khaldamay Aubameyang laakiin waxa uu ka faa’iidaysan waayay in uu gool ka dhaliyo.

Xitaa waxa ay Arsenal 8 laad ku laagtay Goolka Wolves laakiin dhamaan kubadahaas ayaan ku aadmin goolhayah kooxda Wolves.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Wolves dhulka dhigtay Arsenal oo Emirates Joogta xilli ay Gunners Ilowday sida Guul Looga Gaadho Premier League.