Man City Oo Guuld Dirqi Ah Ka Gaadhay Olympiacos +SAWIRRO

302

Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka tartanka champions League kadib guul dirqi ah oo ay ka gaadheen kooxda Olympiacos kulan ka dhacay garoonka Karaiskaki Stadium.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid aad u adag kooxda Man City ayaana si aad ah ugu dhibaatootay in ay guul ka gaadho iyaga oo iska caabin xoogan kala kulmay kooxda Olympiacos.

Kooxda Man City ayaa maamulaysay ciyaarta sidoo kale ahayd kooxda fursadaha fiicn samaysay laakiin kooxda Olympiacos ayaa si xoogan u difaacanaysay intii ay ciyaartu socotay.

Dhanka kale Waxa sii socotay dhibaatadii Man City ee goolka hortiisa iyaga oo sameeyay fursado badan laakiin ku fashilmay in ay gool u badalaan.

Daqiiqadii 36-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Khadka dhexe ee Phil Foden kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Olympiacos ayaan niyad jabin waxana ay sii waday dadaalka ay ku doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican laakiin iska cabin xoogan kala kulantay kooxda Olympiacos.

Qaybta Dambe:

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe sii waday dadaaladooda ay koox walba ku doonayso natiijadeeda gaarka ah.

Man City ayaa doonaysay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta si ay Olympiacos uga hor istaagaan in ay ciyaarta ku soo laataan.

Dhanka kale Kooxda Olympiacos ayaa doonaysay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta dib ugu soo celinaya.

Kooxda Pep Guardiola ayaa sii waday samaynta fursadaha iyo weerarada aan kala joogsiga lahayn laakiin waxa mar walba ka dhimanayd in ay fursadaha gool u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyararta oo ay Man City gaadhay guul dirqi ah iskana xaadirisay wareega 16-ka tartanka champions League.