Man City Oo si dhib badan kaga badisay Arsenal +SAWIRRO

158

Man City ayaa guul dirqi ah ka gaartay Arsenal oo ay uga talaabsadeen hal gool oo nadiif ah oo uu dhaliyay Raheem

Sheekada ciyaarta:Man City iyo Arsenal ayaa bar bar dhaca ku aaday hal gool oo nadiif ah oo ay lahaayeen wiilasha Pep , waxa ayna ciyaarta aheyd mid isu dheeli tiran

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar deg degsiimo leh waxaana Arsenal fursado ay heleen oo xaqiiq ahaa waxaa u diiday goolhayaha Man city

Goolka City waxa uu yimid daqiiqaddii 23-aad waxaana saxiiixay Raheem Sterling kaasi oo ka faa`ideystay kubad uu soo celiyay goolhayaha Arsenal oo uu horay ugu laaday Foden.

City inkastoo kubadda ku badnaayeen hadana halis gilin badan ma aysan muujin , waxa ayna halista kooxda Arsenal ka imaaneysay dhanka da`yarkooda Saka .

Biloowga qeybta labaad , labada dhinac kubadda waa ay u furneyd waana la filan karay goolal xilli Arsenal ay si acan u habeysanaayeen balse afka hore City si sax ah uma aysan gaareyn

City si weyn ayaa looga dareemayay in uu ka maqan yahay De Bruyne xilli muddo dheer ka dib kulankaan uu saftay Aguero oo dhaawac ka soo kabsaday , waxaan xusid mudan in City ay ka maqneyd xaraaradda.

Badalkii ugu horeeyay kulanka waxaa ku horeeysya City kuwaasi oo badalay Aguero waxa ayna daqiiqadii 65-aad soo giliyeen Ilkay Guendogan halka Arsenal iyana daqiiqadii 69-aad ay soo giliyeen Alexandre Lacazette oo loo saaray William.

Arsenal qeybta labaad aad ayay u wacnaayeen , daafac ahaan waa ay foojignaayeen waxaana kaliya ka maqnaa in afka hore City si buuxda u gaaraan .

City , qeybihii dhamaadka xigeenka waa ay sigayeen goosha Arsenal waliba afka hore ayay u soo dhaqaaqayeen , waxa ayna labada koox dagaal ugu jireen in ay shabaqa soo taabtaan

Arsenal wax aay daqiiqadii 83-aad soo giliyeen Nicolas Pepe iyo Thomas oo loo soo saaray Edward Nketiah Granit Xhaka, waxaana xusid mudan in Arsebakl kulankaan kaliya uu ka maqnaa gool oo dhan waliba waa ay ka wacnaayeen .

Si waliba , Arsenal u dadaaleen waxaa ciyaarta looga dhameeyay halkaas gool xilli Arsenal kulankaan ay mudan yihiin ammaan .