Deni oo safar qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka

258

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si qarsoodi ah kugaaray Imaaraatka Carabta, maalin uu joogay Nairoobi ka dib.

Ujeedada socdaalka ah ayaa ah in uu noqdo Dulaalka Imaaraatka Carabta ee doorashada Soomaaliya oo ay faragalin ba’an kusameyn doonan.

Madaxweyne Deni ayaa sannadka 2021-ka noqonaya qofka ama siyaasiga Imaaraatka Carabtu mariyaan dhaqaalahooda, ay kudoonayaan faragalinta Doorashada dalka, sida ay cadeynayaan macluumaadka laga helayo xubnaha ku dhaw-dhaw Madaxweynaha.

Si uu raali- ahaanshahan u helo Siciid Deni, wuxuu ka dhaadhiciyey Mr, Laftagareen, oo maamula halka Xildhibaanada ugu badan ka imaanayaan.

Imaaraatku 2017kii ayay dhaqaalaha mariyeen Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Sheekh Aden si xildhibaanada Koonfur Galbeed loo soo saaro, Inkasta oo natiijada soo baxday ay dhabarjab noqotay.