Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan oo Muqdisho lagu xiray

433

Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku xiray ganacsato 10 ka badan oo ay ku jiraan kuwo caan ah iyo gaadiidley.

Ganacsatada la soo xirey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi, waxaana la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka soo xireen ayna muddo shan cisho ah gacanta ugu jiraan, iyagoo aan maxkamad la soo taagin.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaan weli ka hadlin xariga ganacsadatan balse ilo ku dhow ku dhow laamaha amniga ayaa sheegay in ganacsatadan loo xiray iney tageen, xukuna u doonteen Maxkamado ka furan degaano ay Maamulaan Al-shabaab.

Dowlada Somalia ayaa horey u mamnuucday in xukun iyo garsoor loo doonto maxkamadaha Al-shabaab ee ka furan degaanada ay Maamulaan, iyadoo digniin ku bixisay in cidii falkaas lagu helo laga qaadayo talaabo sharciga waafaqsan.

Dad fara badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo degaanada kale ee ay maamusho dowlada ayaa xukun iyo garsoor u doonta maxkamadaha Al-shabaab, waxayna dadkaas aaminsan yihiin in maxkamadaha Al-Shabaab ay garsoor fiican yihiin marka la eego kuwa dowlada oo inta badan dadku ay cowdaan.