Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo loo Magacaabay Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia

312

Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Maxamed Xaashi ka dib markii agaasimihii hore Cabdi Nuur Maxamed Axmed loo dalacsiiyey agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

Magacaabistan ayaa timid ka dib Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo

Cabdirashiid waxa uu ka hor magacaabistan ahaa Agaasime Ku-xigeenka Waaxda warfaafinta.

“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu masuuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Somalia.