Wararkii ugu Dambeeyay Shirar ka socda Baydhabo

269

Waxaa xalay magaalada Baydhabo kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) iyo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo shalay gaaray magaaladaasi.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah, sida wada-shaqeynta labada maamul, ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lafta-Gareen iyo Waare ayaa diirada saaray culeyska ay ku heyso kooxda Al-Shabaab, maadaama ay yihiin soohdin wadaag K/ Galbeed & Hir-Shabelle.

Sidoo kale Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ku ballameen in dowladda federaalka ay u bandhigaan dhibaatooyinka amni ee ka jira deegaanada maamulkaasi oo ay si weyn ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.

Fursad gaar ah ayey aheyd is-aragan madaxaweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa shirar waa weyn oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimada doorashooyinka.

Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku biirayo madaxdaas oo shir u gaar ah yeelan doono, kadibna u soo gudbi doono magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha’ahaatee arrimaha ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xaalad adag uu ku jiro dalka, balse laga war-sugayo waxa ka soo baxa shirka ay iclaameysa Villa Somalia ee beri oo Khamiis ah ka furmaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho