Qoor Qoor iyo Waare oo ku wajahan Baydhabo

210

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Dhuusaamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo dhiggiisa Hirshabeelle Maxaemd Cabdi Waare ayaa kulan wadatashi ah la yeelan doonna Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafgareen.

Kulamdaan ayey kaga arrinsan doonaan shirarka Muqdisho ka dhici doona iyo sidii loo adkeyn lahaa qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb Saddex.

Hogaamaiyayaashaan ayaa dhowaan beesha caalamka iyo madaxweyne Farmaajo uga yeereen magaalada Muqdisho kadib markii madaxda Puntland iyo Jubaland sheegeen in shir aan loo dhammayn uusan natiijo yeelan doonin.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay sheegay inay Muqdisho u yimaadeen gaarista xal kama dambaysa ah oo ku wajahan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ayna joogi doonaan inta heshiis laga gaarayo.