Dr Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle) oo loo Magacaabay Gudomiyaha degmada Xamar Jajab

443


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa gudoomiye cusub u Magacaabay degmada Xamar Jajab ka dib markii dhawaan Gudoomiyaha beeshii loo Magacaabay ay diiday xilkaasi.

Dr Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle) ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Xamar Jab-Jab ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha cusub ayaa isla maanta la wareegay xilka Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdulaahi (Tuulax) ayaa ka qeyb galay Munasabad uu xil kula Wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab Mudane Maxamed Cabdi Axmed,