”Farmaajo Waxa uu raadinayaa Raiisul Wasaare gadaal indho ku leh”+VIDEO

407

Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadii kursiga Ra’iisul Wasaaraha wadanka uu sii banaanado in ay meel ku dhac ku tahay hanaanka awood qeybsiga Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Kursiga Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid 4.5 hadii aan lasoo Magacaabine ay tahay in Miiska Siyaasadda ay ka maqan yihiin mid ka mid ah beellaha Soomaaliyeed oo Madaxweyne Farmaajo uu dulmaayo.

Waxaa uu sheegay in uu raadinaayo Ra’iisul Wasaare gadaal indho ku leh oo aan la aheyn hami Siyaasadeed.

“Kursiga Raisul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasada iyo talada ka maqan”Ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe oo la hadlay tv-ga Soomaali Cable.

Sanbaloolshe oo kahadlay sababaha wali aan loo magacaabin Raisul Wasaaraha ayaa yiri “Waxa uu raadinayaa Raisul Wasaare gadaal indho ku leh”