Saddex qodob oo awoodda doorashada loogu gacan geliyey Farmaajo

879

Loolankii ku saabsanaa in doorashada Soomaaliya ay noqoto mid dadban ama mid qof iyo cod ah ayaa kusoo geba-geboobay magaalada Dhuusamareeb, ayada oo uu tanaasulay madaxweyne Farmaajo lana qaatay doorasho dadban.

Hase yeeshee, marka laga soo tago tanaasulka, waxaa qaar ka mid ah qodobada heshiiska Dhuusamareeb ka muuqata in awoodda doorashada ay gacanta ugu jirto madaxtooyada Soomaaliya, taasi oo hoggaamin karta in xildhibaano badan oo ka mid ah xisbiga madaxweynaha ay kusoo baxaan.

Qodobka 7-aad ee heshiiska ayaa u dhigan:

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranku (GMDQ) waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.

Qodobkan ayaa wuxuu si gaar ah ula xiriiraa qodobka 4-aad ee heshiiska oo u dhigan sida: In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu. Haddii qaar ka mid ah magaalooyinka loo arko kuwa aan amni ahayn, waxaa deegaan doorashada loo wareejin karaa magaalo kale.

Labadan qodob ayaa keeni kara in kuraas badan laga wareejiyo magaalooyin ay maamulaan maamul goboleedyada lana geeyo meel ay dowladda gacanta ku hayso. Si gaar ah maamulka Jubaland, oo kuraas badan laga wareejin doono gacanta Axmed Madoobe lana geyn doono gobolka Gedo, sida la qorsheynayo.

Qodobka 8-aad ee heshiiska ayaa dhigaya sidan:

In kuraasta Somaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.

Si la mid ah xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh, soo xulista iyo doorashada xildhibaanada Somaliland ayaa waxaa si buuxda ugu madax banaan dowladda dhexe, maadaama uusan jirin maamul goboleedkii laga soo dooran lahaa.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in dowladda dhexe ay ciddii ay doonto usoo xulan doonto xildhibaanimo, ayada oo haysata awood buuxda oo ay u mareyso guddiga doorashada oo ku xiran Villa Somalia, mana jirto cid kale oo kula loolami doonto. Xulista ayaa ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Qodobka 9-aad ee heshiiska ayaa u dhigan sidan:

In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.

Guddigan ayaa ah mid si aad ah ugu xiran madaxweyne Farmaajo. Waa guddi ay horey u dhaliileen ugana soo horjeedeen maamul goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka. In guddigan uu maamulo doorashada waxay ka dhigan tahay in awoodda iyo maamulka doorashada ay gacanta ugu jirto Villa Somalia.

Ayada oo la xusuustoo doodihii iyo is-qabqabsigii 2016-kii ka dhashay kuraaso badan, ha la yaabin haddii sidaas oo kale ay dhacdo sanadkan, oo kadibna kuraasta lagu murmo loo xukmiyo shaqsiyaad ku xiran Villa Somalia.

Sida ay muujinayaan saddexdaas qodob, Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ka tanaasulay doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee wuxuu xaqiijiyey inuu gacanta ku hayo awoodda ugu badan iyo maamulka doorashada.

Si kastaba, Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacan seeray heshiiska mana cadda sida uu dhaqangeli ayaga oo aan lagu qancin inay aqbalaan, waxayna u muuqataa inaan la huri doonin shir kale iyo wada-hadallo kale.