Xawaalada Iftin Exress Garoowe Oo Dhac Loo Geystay

307

Dabley hubeysan ayaa goor dhaw weerar ku qaaday xarunta Xawaalada Iftin Exress ee magaalada Garoowe laan ay ku leedahay, halkas oo ay ka dhaceen lacag iyo mid kamid ah hubkii lagu ilaalinayay xaruntan.

4 qof oo hubeysan ayaa gudaha u gashay xaruntan oo ay ka qateen lacagtii dadweynaha maanta lasiin lahaa, waxaana ay xaruntan ahayd meelaha ugu saxmada badan ee gudaha magaalada Garoowe.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay dableydan ahayeen kuwa hubeysan oo watay baabuur, dadkuna aysan la hadlin ilaa ay ka baxeen xaruntan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha Ammaanka ee Garoowe, waxaana bishii Ramadaanka ee lasoo dhaafay sidan oo kale dhac loogu geystay shirkada SOMTEL ee magaalada Garoowe laan kamid ah oo laga dhacay 20 kun oo dollar.