Kheyre oo Mooshin laga geeyay baarlamaanka

321

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in abaabulka ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kasocda magaalada Muqdisho, waxaana qeybta ugu badan ka riixaya wasiiraddii ugu dhawaa, oo doonaya in meesha laga saaro.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u furmayaa kalfadhiga ay uga wada hadlayaan arrimaha Doorashooyinka, ka dib socdaalkii Madaxweyne Farmaajo kasoo laabtay Dhuusa-Mareeb.

Wararka ayaa sheegaya in isla saacadahaas la eegi doono mooshinkan cusub, waxaana xubnaha horboodaya ay xooga saarayaan si meesha looga saaro.

Ra’iisulwasaaraha D.F Soomaaliya ayaa hadda kasoo duulay DhuusaMarreeb, si uu iskaga difaaco ola-olaha xoogan ee looga soo horjeedo.