Xaliimo Yarey oo gaartay Dhuusamareeb

362

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ( Xaliimo Yarey) iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb,halakas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Weli lama cadeyn u jeedka safarka ay ku tagtay Guddoomiye Xaliimo yareey Magaalada Dhuusamareeb oo maalmaha soo socda uu ka furmi doono shir u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda iyo dowlad Goboleedyada kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ( Xaliimo Yarey) ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa ay ku eedeeyeen inay dowladda hadda jirta la dooneyso muddo kordhin,kadib markii ay dalbatay in muddo 13 Bilood ah ay doorasho ku qaban karaan guddigooda.

Guddoomiyaah Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankii Golaha ee shalay ka sheegay inaysan aqbaleyn doorasho dadbadan,waxaana uu ka jawaabayay Go’aankii kasoo yeeray Madaxda dowlad goboleedyada ee ku shiray.