Man City Oo lagaraacay +SAWIRRO

564

Southampton ayaa guul muhiim ah ka gaartay Man City inkastoo kooxda Pep ahaayeen dhankii aadka u wacnaa kulankaas , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 33-aad ee horyaalka

Qeybta hore guud ahaan City ayaa kubadda haysatay waliba waxa ay gaareen heer dhan %74 balse ma jirrin meel ay kubadda marsiiyaan oo daafac adag ayaa hor taagnaa.

Fursad waliba oo ay abuuraan Man City waxaa hor taagnaa goolhayaha Southampton kaasi oo bad baadin cajiib ah sameynayay halka daqiiqadii 29-aad Raheem ay birta kaga dhacday kubad gool aheyd.

Southampton waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah iyadoo goolka ay dhaliyeen daqiiqadii 16-aad waxa uu ku yimid qalad ka dhacay daafaca City oo baaska qalday waxa uuna Che Adams dhaliyay gool cajiib ah oo uu banaanka ka toogtay xili goolhayhaa City uu soo baxay .

Qeybta labaad , is badal ma jirrin City iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda balse xalka gool ay ku dhallin lahaayeen ayaa ka maqnaa oo daafac iyo goolhaye bir ah ayaa hor taagnaa
Southampton waxa ay soo bandhigeen ciyaar geesinimo leh waxa ayna City ku halis gilinayeen kubadaha rogaal celiska ah mararka qaar City si waliba ayay u dadaaleen , kubadda u maamuleen balse kulankaan ma aheyn koodii , waana loo diiday in maamulkaas u rogaan natiijo waxaana loogu dhameeyay halkaas gool.