Alshabaab oo lacag karabta maydka Xildhibaan aydileen

602

Qaar ka mid ah ehellada marxuum Maxamed Maxamuud Siyaad, oo ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle islamarkaana ay shalay dileen Al-Shabaab ayaa sheegay in Meydka Marxuumka ay Al-shabaab ku xireen lacag kumanaan doolar ah.

Xubnaha qoyska oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Al-Shabaab ay weydiisteen lacag dhowr kun oo dollar ah, si ay usoo dhibaan meydka Maxruumka oo ay shalay toogteen kadib markii ay kala dageen gaari uu saarnaa.

Masuuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in marxruumka uu wali ku jiro gacanta Al-Shabaab islamarkaana ay ku heestaan degaankii ay ku dileen oo ku yaala duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Sarkaal ka tirsan booliska Somalia islamarkaana ay qaraabo yihiin marxuumka la dilay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shabaabka ay sheegeen in haddii aan lacagtaas laga bixin ay meydka ayaga aasi doonaan oo aan dib loo arki doonin.

Xubno kale oo ka mid ah qoyska ayaa sidoo sheegay in Shabaabka ay aaseen, kadib markii la diiday lacagtaas.

Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad oo ahaa Xildhibaan iyo Nabadoon ayey Al-Shabaab kala dageen gaari Naoh ah oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho waxayna u socdeen in ay dhax-dhaxaadiyaan beelo ay u dhaxeysay muran muddo soo taagnaa.