Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo shahiid kutilmaamay Bin Laden

322

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan ayaa barlamaanka dalkiisa kahor sheegay in Osama Bin Laden uu ahaa nin “shahiiday” oo ay dileen ciidamada Mareykanka.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamiga ah sida DW, VOA iyo ITV ayaa kusoo warramay in Mr Khan uu hadalkan sheegay xilli uu khudbad la xiriirta miisaaniyadda dalkaas kahor jeedinayay baarlamaanka, waxaana sidoo kale uu dhaliilay siyaasadihii uu dalkaas ku maamulayay ra’iisul wasaarihii isaga ka horeeyay.

Imran Khan ayaa sido kale weeraray Dowladda Mareykanka, sheegayna in ay ahayd khalad dhacay in iskaashi ay la sameystaan Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayuu sidoo kale sheegay in ereyo aflagaado ah ay u adeegsato dalkiisa, maadaama sida uu sheegay Mareykanka uu dalkiisa ku eedeeyay guuldarrida ka jirta dalka Afghanistan.

Mr Khan ayaa Mareykanka ku eedeeyay in dalkiisa aysan kusoo wargelinin hawgalkii qorsheysnaa ee ay ku qaadeen Osama Bin Laden sanadkii 2011-ka, hawgalkaas oo ay ciidamada badda ee Mareykanka ku dileen hogaamiyihii ururka Al Qaacida, Osama Bin Laden.

“Waxaanu Mareykanka kala shaqeynay dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo ay inooga dhinteen 70 kun oo qof, balse halkan ayay yimaadeen oo waxaa ay dileen Osama, wuu shahiiday, waxayna nagu la kaceen aflagaado iyagoo aanan nagu wargelinin hawlgalka,” ayuu yiri Imran Khan oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka ee Pakistan.