Liverpool Oo Bar-Baro ladhaafi Wayday Everton +Sawirro

191

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda ay jaarka yihiin ee Everton kulan ka tirsanaa todobaadkii 30-aad kana dhacay garoonka Goodison Park.

Waxa haatan dib u dhacay Rajadii Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka xilli ay dhaawacyo hadheeyeen kooxda Liverpool kuwaas oo laba xiddig dhaawac ku waayay.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Liverpool wax walba ku fiicantahay laakiin ku dhibaatootay in ay gool ka dhaliyaan kulanka iyada oo Everton si fiican u difaacatay Goolkeeda.

Liverpool ayaa dhawr jeer heshay fursado halis ah kuwaas oo ay gool ka dhalin kareen laakiin waxa u suurtagali wayday in ay kubada shabaqa dhex-dhaan.

Reds ayuu ka maqnaa xiddiddiga ugu fiican ee Mohamed Salah iyaga oo si weyn u tabay maqnaanshaah Salah kaas oo kaydka ku bilowday ciyaarta.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 43-aad dhaawac ku wayday xiddiga James Milner kaas oo markii horeba ka ciyaarayay booska Andy Robertson kaas oo dhaawac ku seegay kulanka.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhaamatay ciyaarta inkasta oo ay Liverpool fiicnayd fursado badan heshay sidoo kale Everton dhawr fursad heshay intii ay socotay qaybta hore.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid la mid ah qaybtii hore iyada Reds ku fiicnayd ciyaarta halka ay Everton difaac ku jirtay.

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursado ay goolal ka dhalin karta xilli ayna Everton wax fursado ah helin qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kooxda Reds ayaa mar kale dhaawac ku wayday xiddiga daafaca uga ciyaara ee Joel Matip kaas oo lagu badalay Dejan Lovren.

Everton ayaa daqiiqadii 80-aad ku sigatay in ay dhaliso goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii ay kubad goolka ku dhaaftay xitaa ay dhaaftay Goolhaye Alisson laakiin waxa ay ku dhacday birta hoose.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Everton sidaasna looga baajiyay todobaadkan u dabaal dagto ku guulaysiga horyaalka.