Daawo: Khudbadii Muuse Biixi kajediyay shirka Jabuuti

346

Wajigii labad ee Wadahadladii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay Waddanka Jabuuti oo maanta mar kale dib u furmay oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kalena waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa Dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddiga farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulaysto oo midho-dhal wax ku ool ahi kasoo baxaan.

“Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano oo dulqaadkeeda yeelano oo aaanu rog-rogno baanu u nimi ayuu yiri” Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in sidaa iyo si lamida ay ka doonayaan,isla markaana Shirka Maanta kaliya uu yahay mid dhexmaraya guddiga farsamo ee wada-hadalada loo saaray.

“Qofkasta oo Soomaali ah shirkan ayuu indhaha ku hayaa, halkanna dad wax kala tabanaya ayaa ku kulmaya ee saaxiibtinimo ma taalla, maanta waxaan ka hadlaynaa maxaa dan u ah guud ahaan Soomaali oo dhan”.