Daawo Banaan oo lagu tagerayo Farmaajo oo ka socda Muqdisho

384

Waxaa saakay banaan bax aad u weyn uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir ka socdaa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, banaan baxan ayaana ah mid lagu taageerayo hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in gobolka Banaadit matalaad yeesho.

Kumanaan dad ah oo laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa banaan baxan ka kala dhigaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxayaasha ku dhawaaqayaan hadalo ay ku taageerayaan baaqa Madaxweyne Farmaajo.

Dadka banaan baxa dhigayay oo isugu tagay sadex goobood oo kala ah Isgooska KM-4, Daljirka Dahsoon iyo Isgooska sanca ayaa lagu daadgureeyay gaadiid basas ah si banaan baxa uga qeyb noqdaan.

Banaan baxayaasha ayaa u muuqda kuwa aan u hogaansamin oo jabiyay talooyinkii Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ee ku aadanaa in aan la isku soo dhawaan si looga hortago faafitaanka cudurka caronavirus.

Dadka dhigaya banaan baxa ayaaba iska hilmaamay in uu jiro cudurka Caroanvirus oo si fudud dadku ku kala qaadaan, dadka intooda badan ayaana xirneyn galoofiska gacmaha la gashto iyo afxirashada.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ayna soo abaabusho dowlada oo ka dhaca magaalada Muqdisho xili dowlada horey u soo saartay amar ku aadan in aysan bulsho badan meel isugu tagin lana xiray iskuulada iyo jaamacadaha dalka.