Daawo Banaan bax kale oo looga soo horjeeday Farmaajo oo Muqdisho ka dhacay+Sawirro

607

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka dhacay labo banaan bax oo iska soo horjeeday oo mid kamid ah lagu taageerayay hadalkii Madaxweyne Farmaajo iyo banaan bax kale oo iyana looga soo horjeeday midka dowlada lagu taageerayay.

Dibad baxayaal sheegay in ay u doodayaan maqaamka magaalada Muqdisho kana soo horjeedaan banaan baxa kale ee dowlada soo abaabushay ayaa isugu soo baxay inta u dhaxeysa Sanca iyo afarta Jardiino.

Waxa ay ku dhawaaqayeen banaan baxayaashan hadalo ka dhan ah dowlada Soomaaliya , waxa ayna sheegeen in Muqdisho xaq u leedahay matalaad dhab ah ayna kasoo horjeedaan in Madaxweynaha u codsado Muqdisho matalaadii ay xaqa u laheyd.

Ciidamo booliis ah ayaa markii dambe awood ku kala eryay dibad baxayaasha oo tiro ahaan aad u yaraa marka loo eego banaan baxa kale ee lagu taageerayay dowlada gaar ahaan hadalkii Farmaajo ee ku aadanaa in Muqdisho matalaad ku yeelatao Aqalka sare.

Wali lama oga cida soo abaabushay banaan baxan kale ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, mana jirin wax masuuliyiin ama siyaasiyiin ah oo ka hadlay banaan baxa marka laga reebo qaar kamid ah dadkii ka qeyb galayay oo Warbaahinta la hadlay.