XISBIGA WADAJIR OO TAAGEERAY HADAL KA SOO YEERAY KHAYRE +COD

480

Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhoweeyey hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre, oo muujiyay in ay Xukuumaddiisa ka go’antahay, in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Xisbiga ayaa sheegay, in uu dhiirri-gelinayo Fahamka Ra’iisul wasaaraha ee mudnaanta siinaya, in afartii sanaba mar dalka ay ka qabsoonto doorasho loo dhanyahay, oo xasilooni ku dhacda.