Xog Cusub Oo Laga Helay Diyaaradii Lagu Weeraray Qansax Dheere +COD

454

Warar soo baxay ayaa sheegayey in la weeraray diyaarad agab usiday maanta degmada Qansax dheere Ee Gobolka Bay.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayey cida rasaasta ku furtay Diyaaradaan oo ukireysneyd Shirkada Salaam Air iyadoo markii dambe la ogaaday in Xubno katirsan Al Shabaab ka dambeeyeen weerarkaasi.

Markii hore waxaa la hadal hayey in ciidanka Itoobiya rasaas ku fureen balse Gudoomiyaha Degmada Qansax dheere C/risaaq Cabdi Daahir oo wareysi bixiyey ayaa sheegay in arintaas ay ogaadeen in Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku yimid degmada ay hujuumkaasi ka dambeeyeen.

Ma jirto war kasoo baxay Maamulka Shirkada Salaam Air oo diyaaradaasi ukireysneyd,iyadoo sidoo kale la sheegay in diyaarada dib loogu soo celiyey Muqdisho oo markii hore ka ambabaxday.