“17 Sano Ayaan Macallin Ahaa, Waxna Ma Qori Karin Mana Akhrin Karin”+VIDEO

600

John Corcoran oo kusoo barbaaray gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka, wuxuu ku noolaa halkaas sanadihii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, wuxuu ka baxay dugsi sare, wuxuu kasoo qalin jebiyay jamaacad, wuxuu sannadkii 1960-kii noqday macalin-muddo 17 sanno ah ayuuna ku howlanaa shaqadaas. Haatan wuxuu sharrayaa waxyaabihii u qarsoonaa muddada inta la’eg ee uu macalinka ahaa.

Markii aan ahaa carruur waxay waalidkeyga ii sheegeen in aan guusha gaaray, lixdii sano ee ugu horreysay waxaan rumeysnaa waxa ay waalidkey ii sheegeen.

Markii aan yaraa waxaan doonayay in aan wax barto sida qaar kamid ah walaalaheyga, markii aan ku biiray Iskuulka gaar ahaan fasalka labaad waxaa la iga rabay in aan wax qoro waxna barto, mana garaneyn sida wax loo akhriyo.

John Corcoran Wuxuu sheegay in “in uu xusuusto mararka qaar inuu Ilaahey baryi jiray si uu wax u akhriyo, mararka qaar waxaan isku dayi jiray in aan qaato buug si aan u akhriyo balse wuxuu igu noqday sida wax mucjiso ah oo aan fahmi waayay”

Mid kamid ah barayaasha Koleejka ayaa maalin wuxuu nasoo hordhigay imtixaan, waxaan fadhiyay meel u dhaw daaqadda fasalka, waxaa gadaal iga jiray ardey, mana garaneyn waxa ku qoran warqadda, waxaan doordibay in aan qisho, waxaan warqaddii ku wareejiyay ardey gadaal fadhiyay, wuxuu ahaa ardey maskax leh, dhammaan wuxuu iiga soo jawaabay su’aalaha xilli aan heystay warqad kale oo iska dhigayay in aan wax qorayo.

Waxaan ku rajo weynaa in aan ka baaso imitixaanka si aan uga gudbo kulliyadda.
Waxaa sidoo kale jiray imtixaam kale oo ka aan fakarsanaa qaabka aan uga baasi doono.

Xilli habeen ah waxaan aaday xafiiska barfasoorka koleejka – waxaan furay daaqadda aniga oo wata minddi sida qof tuug ah, xilliggaas ma aheyn oo kaliya ardey qish sameynaya balse waxaa ahaa qof dambiile ah.

Waxaan muddo labo ilaa saddex cisho ah ku raad joogay in aan helo warqadaha imitixaanka. Xilli aroor ah aniga iyo saaxibbadeyda waxaan galnay xafiiska balse nasiib darro imitixaanka waxaa lagu xiray armaajo ku jirtay xafiiska. Waxaan qaadnnay armaajadii lagu xiray warqadaha imtixaanka, waxaan u yeeray nin farsameeya qufulka, wuxuu noo furay armaajadii, waxaan kala soo baxnay ilaa 40 warqadood, halkaas oo aan nuqul kamid ah warqadda ku wareejiyay ardey ku sugneyd goobta la seexdo ee koleejka kuwaas oo ka bixiyay jawaabo sax ah.

Dib ayaan u celinay armaajadii abbaare shanti subaxnimo, waxaana dib ugu laabtay gurigeyga aniga oo leh “Waxaan guul ka gaarnay hadafkii noo suurogeli waayay”- waxaan dareemayay farxad aniiga oo is leh waxaad tahay qof fariid ah, waana arrin qarsoodi ii aheyd oo aan ilaalinayay.

Macalimiinteyda iyo waalidgeyga waxay ii sheegeen in dadka kasoo qalin jebiyay koleejka ee heysta shahaadooyinka ay ku helaan shaqo wanaagsan marka wuxuu hadafkeygu ahaa in aan helo warqaddaas wax kastoo aan sameeyaba.

Marka waxaan ka qalin jebiyay koleejka, xilliggas waxaa halkaas ka jiray gabaabsi dhanka macalimiinta ah, waxaana helay shaqadaas.

Waxay u muuqataa in xirfadda macalinimada lagu dhuuman karo, mana jirto cid uga shakin karta macalinka in uusan waxbo qori karin.

Waxaan ardeyda baray waxyaabo kala duwan, waxaan ahaa macalin diiradda saara dhanka tartamada orodka iyo cilmiga bulshada.

Waxaan koombiyuutarka ku daabici jiray xarfaha balse ma gareyn waxa aan qorayo, weligey sabuurad waxbo kuma qorin, marka aan fasalka ku jiro waxaan daawan jirnay filimo iyo doodo.

Waxaan xasuusta sida aan u cabsan jiray, waxaana ardeyda ka codsan jiray inay ku dhawaaqaan magacyadooda si aan u maqlo magacyadooda, waxaa jiray labo ama saddex ardey oo wax akhrin karay oo iga caawin jirtay fasalka, igama aysan shakin weligey – sababtoo ah marka shakin kartid macalinka.

Caqabadda ugu weyn ee i heysatay waxay aheyd shirarka ay yeelanayaan macalimiinta, toddobaadkiiba waxaan laheyn hal shir oo looga hadlo xaaladda waxbarasho.

Maamulaha koleejka wuxuu soo wici jiray mid kamid ah macalimiinta si uu u soo bandhigo fikradaha balse waxaan ka casban jiray in aniga la isoo waco balse waxaan heystay tallaabo kale oo aan arrintaas uga gaashaaman karo.

Waxay tallabadaas ahayd in aan iska dhigi lahaa qof sare joogga ka dhacay marka la igu yiraahdo hogaami shirka kaddibna sidaas la iigu qaado isbitaalka.

Mararka qaarkood waxaan dareemi jiray in aan ahay macalin wanaagsan, mararka qaarkoodna xanuun ayaan dareemi jiray, laakin qofna lama wadaagin arrintaas.

Waxaan guursaday aniga oo macalin ah, sannado kaddib waxaa noo dhalatay gabar. Gabadheyda markii ay jirtay saddex sanno waxaan bari jirnay wax akhriska balse aniga ma garaneyn sida wax loo akhriyo, waxaan uga sheekeyn jiray sheekooyin dhowr ah.
Xaaskeyga waxay garwaaqsatay dhibaatada aan kala kulmo wax akhrinta balse waxay iga caawin jirtay casharada aan iskuulka ka dhigo, mana jirin wax isku dhac ah oo na dhexmaray, markasta wey i caawin jirtay.

Waxaan macalin ka ahaa dugsi sare laga bilaabo sanadkii 1961-kii ilaa 1978-kii.

Siddeed bilood kaddib markii aan shaqada macallinnimada joojiyay, wax weyn ayaa isbaddalay.

Waxaan teleefishinka ka arkay xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka Barbara Bush xili ay ka hadleysay waxbarashada dadka waaweyn. Horey uma arag qof ka hadlaya waxbarshada dadka waaweyn. Waxaan u maleeyay in aniga oo kali ah aan ahay qofka ay dhibaatadan heysato.

Waxaan noqday sida qof rajada beelay balse waxaan doonayay in dadku ay iga caawiyaan dhibaatada akhris la’aanta, maalin waxaan tegay mid kamid ah goobaha lagu iibiyo khudaarta, waxaan maqlayay labo haween ah oo ka sheekeynaya qof qoyskooda ah isagoo oo da’ weyn wax barta, arrintaas ma aanan rumeysan.

Maalin Jimca ah waxaan aaday maktabadda oo ah goobta dadka waaweyn wax lagu baro, waxaan la kulmay agaasimaha barnaamijka waxbarashada dadka waaweyn, waxaaana u sheegay in aan waxba qori karin.

Waa qofkii labaad oo aan la wadaagay xogteyda.
Waxaan la kulmay macallin isa soo xilqaantay oo 65 jir ah. Ma aheyn macalin balse waxay aheyd qof jecel wax akhrinta, iyadu ma fileyn in nolosha qof joogi karo isaga oo aan waxbo akhrinin.

Waxyaabihii ugu horreeyay ay igula talisay waxaa kamid ahaa in aan badiyo wax qoridda, waxaana kamid ahaa waxyaabihii aan qoray maanso ka hadleysa dareenkeyga.

Waxay ila gaartay ilaa heerka lixaad ee wax akhirinta xarunta, balse muddo 7 sanno ah ayay igu qaadatay in aan noqdo qof wax bartay. Waan ooyay, aad ayaana u ooyay, kaddib markii aan bartay sida wax loo akhriyo – xannuun iyo welwel ayaa ila soo dersay.

Waxaan sheekeyada la wadaagay macalinkeyga xarunta waxbarashada dadka waaweyn “Waxaana ku iri, ma dhici karto, waxaan bulshadan ku dhex noolaa muddo 17 sanno ah, carrrurteyda halkan ayay joogaan, xaaskeyga halkan ayay joogtaa, waana aqonyahan, waaliddiintayda halkan ayay joogaan, mana la wadaagi dooni sheekadan”.

Waxay aheyd sir faddeexo ah, waana go’aan weyn oo aan fududeyn in aan soo bandhigo sheekadan gaartay guud ahaan Mareykanka. Muddo tobonaan sanno ah ayaan ilaalinayay sirtan oo aan la wadaagay dunida.

Waxaan kasoo muuqday barnaamij ka baxay ABC News magazine.

Ma aheyn wax wanaagsan in dadka ay maqlaan sheekada maclin aan waxbo qori karin, dadka waxay oranayaan arrintaas ma dhici karto.

Balse waxaan doonayaa in dadku ay ogaadaan inay jiraan xal iyo rajo, waan baran karnaa sida wax loo akhriyo.