Qarax Miino oo ka dhacay Muqdisho

391

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsanayay gaari ciidan ah oo marayay inta u dhaxeysa Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer.

Wararka ayaa sheegaya in aanu wax khasaare ah soo gaarin gaariga ciidan oo wadada ka gudbay, balse labo qof oo shacab ah oo wadada marayay ay ku dhaawacantay,

Magaalada Muqdisho ayaa amnigeeda soo hagaagayay, gaar ahaan bisha Ramadan oo xaalka amniga magaalada uu ahaa mid wanaagsan, iyadoo ciidamada amniga ay wadeen howlgallo lagu sugayay amniga caasimadda.