Gen Cali – Gaab Oo Xil Culus Loo Magacaabay

630

Sareeye Guuto Cali Xirsi Barre (Cali – Gaab) ayaa waxaala sheegay in loo igmaday Jagada Booliska Qeybteeda ka warqabka Caafimaadka.

Taliye Cali Gaab ayaa si gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Boliiska Soomaaliyeed.
Taliyahaan ayaa xilal kala duwan soo qabtay waxaana ka mid ah:

Taliyaha Ciidanka Nabad Gelyada Waddooyinka (Taraafiko).

Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir.

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska.

Taliye ku simaha Hoggaanka Howlaha Ciidanka Boliiska.

Taliye xigeenka Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska (Iskool boliiyisa)

Taliye ku simaha Hoggaaka Qorshaha & Tababarada.

Taliyaha qeybta Bartamaha ee Boliiska G/Banadir.

Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee Boliiska G/Banadir.

Taliyaha qeybta Bari ee Boliiska G/Banadir.

Sareeye Guuto Cali Gaab waa taliye waxqabadkiisu ay mahadiyeen Ummadda Soomaaliyeed, isla markaan aan qaluubta shacab weynaha soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdisho aan marnaba ka go’eyn.