Maria Branyas oo noqotay Haweeneyda ugu da’da weyn ee ka bogsatay Corona Virus +Sawirro

553

Haweeney 113 sano jir ah oo ku nool gobolka Girona ee waqooyiga bari ee Spain ayaa ka soo kabatay Cudurka Corona Virus ka dib markii dhawaan laga helay.

Maria Branyas, oo ah qofka ugu da’da weyn dalka Spain, ayuu Cudurku haayay Muddo dhowr toddobaad.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Spain ayaa sheegay in Maria ay tahay qofka ugu da’da weyn dalkaasi, islamarkaana ay tahay war Farxad tahay in ay Cudurka ka bogsooto.

Dalka Spain Cudurka Corona virus ayaa haleelay 269,520 qof, waxaa u dhintay 26,920
Waxaa sidoo kale ka bogsaday 180,470.