Luis Suarez Oo kulaabanaya Liverpool

370

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa 9 xiddig u soo bandhigtay kooxaha premier League waxana ka mid ah xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda ee Luis Suarez kaas oo haatan dhaawac uga maqan Barcelona.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Liverpool heli doonto fursad ay dib ugu soo ceshato xiddiga reer Uruguay kaas oo wakhti fiican ku qaatay garoonka Anfield.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Liverpool qiimo aad u jaban ama heshiis Amaah ah ku heli karto saxiixa Luis Suarez xilli ay Barcelona lacag u uruurinayso saxiixyada xiddigaha lautaro martinez & Neymar.

Liverpool ayaa dhankeeda suuqa u gali doonta xagaaga weeraryahan cusub iyada oo lala xidhiidhinayo xiddiga Timo Werner.

Laakiin sabab la xidhiidha saamaynta dhaqaale ee uu Coronavirus ku yeeshay kubada cagta Liverpool ayay adagtahay in ay 50 milyan kula soo wareegto Werner.

Sidaas darteed Liverpool ayaa doonaysa in ay si ku meel gaadh ah ula soo saxiixato Luis Suarez ka hor inta ayna xagaaga dambe la soo saxiixan Timo Werner.