Talaalka Corona oo Baadi-goob loogu jiro sidii loo heli lahaa

344

Guddiga midowga Yurub ayaa xariga ka jaray dadaal caalami ah oo lagu maalgalinayo cilmi-baarista sidii loo heli lahaa Talaal iyo qalabka kale ee lagula dagaalamo coronavirus.

Midowga Yurub ayaa waxay marti galiyen kulan looga qeyb galayo qalabka la iska arko islamarkana looga xaajoonayo sidii dhaqaala loogu heli lahaa la dagaalanka cudurka.

Kulankan oo ay ka qeyb qaadanayaan hogaamiyayaasha caalamka iyo madaxda hey’adaha samafalka ayaa looga dooday sidii la isaga kaashan lahaa xakameynta cudurka Covid-19.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa waxay ballanqaadeen lacago loogu talagalay cilmibaarista la xiriirta Corona iyo la tacaalidiisa.

Madaxa guddiga midowga Yurub Ursula von der Leyen – o shir gudoominaysay kulankani ayaa farta ku fiiqday in shaqada sidii loo heli lahaa Talaal ay noqoto mid caalami ah oo laga wada qeyb qaato.

Guddiga midowga Yurub ayaa waxay ku deeqeen lacag dhan 1 bilyan oo doolar oo loogu talagalay baadi-goobka loogu jiro sidii talaal loogu heli lahaa Corona.

Fransiiska, Sacuudiga iyo Jarmalkaayaa iyaguna isu geyn ku deeqay in ka badan nus bilyan dollar.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey , Antonio Guterres, ayaa soo dhaweeyay deeqahani, balse ku baaqay in si deeqsinnimo ku dheehan tahay lacago loogu yabooho.

Lacagaha loo baahan yahay in lagula dagaalamo Feyriska Corona ayaa dhan 8 bilyan oo dollar.

Rai’sul wasaaraha Taliyaaniga Giuseppe Conte, madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ka mid ahaa madaxdii saxiixday mashruucan.

Kulanka dalalka waawayn ee ka maqnaa waxaa ka mid ah Mareykanka oo aan ka qeyb galin.