Norway oo Soomaali gaareysa 1600 Qof siineysa Sharciyo

384

Dowladda Norway ayaa ogolaatay inay sharci deganaansho siiso Soomaali gaareysa 1600 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur.

Dadkan oo Norway tegay sanadihii 2012 – 2014 ayaa sugayey sharci la siiyo muddo ku dhow 5 sano, iyadoo horey sharciga degenaanshaha dalka Norway looga xayiray, balse dhawaan loo ogolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan.

Wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway ayaa sheegtay in dadlkaasi la siinayo sharciga deganaanshaha Norway, iyagoo badankoodu muddo dheer sharciga sugayey, markii loo eegay xaalado kala duwan oo la xiriira arimaha bani’aadannimada.

Aakhirkii Bishii April 2020 ayey go’aankan qaadaty dowladda Norway, iyadoo dadkani oo xaalad adag ku sugnaa ay hadda si weyn ugu farxeen go’aankan.