Agaasimihii Madbacadda Qaranka oo Muqdisho lagu aasay +Sawirro

670

Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Agaasimihii Wakaalada Madbacadda Qaranka Axmed Faarax (Gaatamow) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ka dib markii uu wadnuhu istaagay.

Aaska waxaa ka qeygalay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada fadaraalka Soomaaliya, qaar ka mid ah bahda warbaahinta gudaha iyo ehelada marxuumka.

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta oo marxuumka uu la soo shaqeeyay muddo dheer ayaa Agaasimihii Madbacada Qaranka ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi afgaaban oo howlkar ah, iyagoo xusay iney geeridiisa si weyn uga naxeen.

Allaha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow ayaa ka soo shaqeeyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay sidda Idaacadaha Shabelle iyo Codka Nabada, Waxaana uu warbaahinta Qaranka ka soo qabtay xilal kala duwan, sida Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo Agaasimaha Madbacada Qaranka oo uu ku magacownaa geeridiisa ka hor.

Maamulka iyo shaqaalaha Allbanaadir Online ayaa waxay iyagoo ka murugeysan tacsi tiiraanyo leh u dirayaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuum Gaatamow, iyagoo ALLE uga baryey inuu janadii fardowsa aheyd ka Waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN.