Kheyre oo guddi wasiiro ah u magacaabay gurmadka Qardho

446

Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay in ay u gurmadaan dadka dhibaatadda ay kasoo gaartay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho.

Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u aqriyay xubnaha guddiga iyo shaqada loo igmaday, waxaana ay kala yihiin:-

1- Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha XFS -Guddoomiye

2- Mudane Maxamed Burci Xamsa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka – Xubin

3- Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta XFS – Xubin

4-Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta XFS – Xubin

5- Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha – Xubin

6- Mudane Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Xubin

7-Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda – Xubin

8- Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka- Xubin

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amray guddigaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday Degmadda Qardho.