Safaaradda Mareykanka ee Tunisia oo qarax ismniidaamin ah oo lala beegsaday +SAWIRRO

650

Qarax ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay halkaas, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso mid kamid ah warbaahinta gudaha ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka weerarka fuliyay uu saarnaa mooto halkaas timid ka dibna uu isqarxiyey, iyadoo saraakiisha amaanku ay sheegeen iney baarayaan waxaa uu ahaa qofka isqarxiyey.