Booliska Puntland oo laga xil wareejiyey amniga Garowe

578

Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal, ayaa shaaciyay in amniga magaalada Garoowe si ku meel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliiska, wixii hadda ka dambeeyana lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ciidanka madaxtooyada Puntland.

Go’aankan ayaa ka soo baxay Guddiga Nabad-gelyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe.

Sababaha isbedelkan keenay ayuu guddigu sheegay iney tahay ciidanka Booliiska gobolka Nugaal oo ay ku socoto dib u-habayn, waxaana ay go’aamiyeen in Booliiska si ku meel gaar ah looga wareejiyo Amniga Garowe mudada ay dib u-habayntaasi socoto.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga