Ragii dilka iyo kufsiga isugu daray Caasho Ilyas oo la shaaciyay xiliga latoganayo

1358

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa shaaciyey xilliga kama dambeysta ah ee xukunka dilka toogashada ah lagu fulin doono raggii lagu helay kiiskii Caa’isho Ilyaas Aadan.

Aw-Cismaan ayaa Telefishinka Puntland u sheegay in raggaasi oo gaaraya saddex la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee 11-ka bisha soo socota February 2020-ka.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu shalay wareejiyey galka fulinta xukunka oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan.

Saddexda xukunsanaha ah ayaa kala ah: Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal, mida racfaanka iyo tan sare ayaa waxa ay xukun dil toogasho ku rideen raggaan, kadib markii lagu helay kiiskaasi.

Caaisho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa la’isugu daray kusfi iyo dil bishii February ee sanadkii hore 2019-kii, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed.