XASAASI: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Man United Ku Guulaysanayso Saxiixa Erling Haaland

1065

Aabaha dhalay xiddiga wadaraha dhigay xilli ciyaareedkan ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay garoonka tababarka kooxda Man United xilli ay Red Devils si aad ah u doonayso weeraryahan Red Bull Salzburg.

19 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo jiidanaya kooxaha reer yurub kadib markii uu si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo 26 gool dhaliyay 18 kulan oo tartamada oo dhan.

Inkasta oo uu heerka ciyaareed ee horyaalka Austria ka duwan yahay horyaalada kale hadana xiddiga ayaa 7 gool dhaliyay champions League isaga oo xitaa is baray Liverpool Anfield-na gool kaga dhaliyay.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa aqoon fiican u leh Erling Haaland maadama ay wakhti ku soo wada qaateen Molde wararka ka imanaya Norway ayaana sheegaya in uu kooxdiisa u sheegay in loo keeno saxiixa xiddiga.

Haatan wargayska The Athletic ayaa sheegaya in aabaha dhalay Erling Haaland lagu arkay garoonka tababarka kooxda Man United kaas oo soo booqday.

Talaabadan ayaa dabka ku sii shiday wararka Man United la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga xilli ay Los Blancos diyaarinayso dalab 100 milyan ah sidoo kale amaah ugu diraysa kooxdiisa haatan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.