Real Madrid Oo Dagsatay Qorshe Wareer Ah Oo Ay Liverpool Ugaga Soo Afduubanayso Virgil Van Dijk, Kooxdee Ku Faa,iido Qabta.

992

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda waliba uga dhigaan badalka mustaqbalka fog ee Sergio Ramos.

Laakiin Helitaanka Real Madrid ee Virgil Van Dijk ayaan noqon doonin mid fudud marka loo eego in uu laft dhabar ka yahay kooxda Liverpool yahayna kabtanka 3-aad ee kooxda.

Kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp ayaan ogolaan doonin in ay iibiyaan Van Dijk taas oo xaalka ku xumayn doonta kooxda Real Madrid si ay u hesho xiddiga 28 jirka ah.

Real Madrid Oo Isku Dayaysa in ay Van Dijk Kala Wareegto Liverpool.

Shabakada Diario Gol ayaa sheegaysa in ay kooxda Real Madrid isku diyaarinayso in ay wadahadalo la furto kooxda Liverpool iyaga oo diyaar ula ah lacag dhan 120 milyan oo euro.

Waxa intaas sii dheer in ay Real Madrid Miiska u saari doonto Liverpool xiddigaha Isco, Marco Asensio, Gareth Bale ama Luka Modric.

Waxa xusid mudan in Van Dijk uu kooxda Liverpool kula jiro ilaa xagaaga 2023 kana mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.