Akhriso 16-ka Xul Ee U Soo Baxay Tartanka Euro 2020

992

16 xul ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay booskooda wareega Group-yada ee tartanka Euro 2020 ee xagaaga dambe la qaban doono iyaga oo ku soo baxay kulamada is reeb-reebka Tartanka.

Xulalka Austria,Nethelands,Germany iyo Croatia ayaa ahaa 4-tii xul ee xalay u soo baxay is reeb-reebka Tartanka Euro 2020 kadib markii ay ciyaareen kulamadii ay ciyaarayeen.

Xulka Belguim iyo xulka Italy ayaa ah xulalka ilaa haatan ugu fiican is reeb-reebka Tartanka Euro 2020 iyaga oo dhamaan wada badiyay kulamadii ay ciyaareen tan ilaa bilowdgii.

Haatan waxa kaliya hadhay 4 boos oo laga doonayo xulalka wali rajada ka leh in ay iska xaadiriyaan tartanka Euro 2020 ee la ciyaari doono xagaaga dambe.

Halkan Kaga Bogo 16-ka Xul Ee Ilaa Haatan U Soo Baxay Euro 2020:

1- Belgium,
2- Turkey,
3- Poland,
4- Russia,
5- Ukraine,
6- Italy,
7- France,
8- Spain,
9- England,
10-Czech Republic,
11-Croatia,
12-Austria,
13-Nethelands,
14-Germany,
15-Sweden,
16-Finland