Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xiiso Leh Maraya

1290

Waxa si buuxda loo soo afjaray todobaadkii 11-aad ee horyaalka premier League kadib kulamadii Axadii dhacay xalay ee ka tirsanaa todobaadkii 11-aad ee horyaalka.

Xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa mar kale gool dhaliyay todobaadkan kulankii Southampton si la mid ah xiddiga kooxda Chelsea ee Tammy Abraham kaas oo sidoo kale dhaliyay gool.

Xiddiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang oo sanadkii hore ku guulaystay abaalmarinta ayaa sidoo kale gool dhaliyay kulankii Wolves isaga oo sii wada tartanka gool dhalinta.

Xiddiga kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa sii wada wacdaraha isaga oo si buuxda ula wareegay hogaanka gool dhalinta premier League kadib goolkii uu ka dhaliyay Crystal Palace.

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa mar kale Liverpool wakhtiga dhimanashada badbaadiyay isaga oo dhaliyay goolkiisii 6-aad ee horyaalka kulankii Aston Villa ee xalay.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Loo Kala sareeyo Gool dhalinta premier League:

1- Jamie Vardy (Leicester) 10 gool Gool
2- Sergio Aguero (Manchester City) – 9
3- Tammy Abraham (Chelsea) – 9
4- Jamie Vardy (Leicester) 9 gool
5- Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) – 8
6- Raheem Sterling (Manchester City) – 7
7- Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 6
8- Teemu Pukki (Norwich City) – 6
9- Sadio Mane (Liverpool) – 6
10- Mohamed Salah (Liverpool) – 5
11- Callum Wilson (Bournemouth) – 5
12- Marcus Rashford (Man United) – 5
13- Bernardo Silva (Manchester City) – 4
14- Sebastien Haller (West Ham) – 4
15- Wesley (Aston Villa) – 4
16- Ashley Barnes (Burnley) – 4
17- Mason Maunt (Chelsea) – 4
18-Roberto Firmino (Liverpool) – 3