Man City Oo hogaan keeda adkaysatay +SAWIRRO

938

Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Etihad Staduim.

Southampton ayaa daqiiqadii 13-aad gool kaga naxsatay Man City kadib markii uu xiddiga James Ward Prowse dhaliyay goolka kooxdiisa kadib markii uu kubada ku heliyay kadib markii uu goolhayuhu iska soo tufay.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Man City ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha laakiin Southampton ayaa iska caabisay iyaga oo galay daafaca adag oo ay ku hor istaageen kooxda Man City.

Kadib fursado badan oo ay Man City samaysay waxa ay ku qasbanaatay in ay qaybta hore ee ciyaarta baxdo iyada oo 1/0 lugu hogaaminayo inkasta oo ay gacan sareeyeen kulanka.

Man City ayaa qaybtii dambe la soo gashay dar-dar cusub iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ka hor inta ayna ka fikirin in ay raadiyaan goolka guusha.

Daqiiqadii 70-aad ayay Man City heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Sergio Aguero kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolka guusha iyaga oo go,doon galiyay kooxda Southampton oo u dadaalaysay in ay bar-baro kala baxaan kulanka.

Laakiin daqiiqadii 86-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kyle Walker kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Southampton.