Akhriso Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 9-aad oo La Ciyaaray

1010

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn si buuxda ula wareegtay hogaanka horyaalka La Liga kadib todobaadkii 9-aad ee xilli ciyaareedkan.

Waxa lagu qasbay in ay noqdaan hogaamiyayaasha horyaalka in ay sugaan 9 kulan laakiin guushii ay ka gaadheen kooxda Eibar iyo guuldaradii Real Madrid ee Mallorca ayaa keentay in ay Noqdaan Hogaamiyayaasha buuxa ee Horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa hal dhibic ka horaysa kooxda Real Madrid kuwaas oo ku jira kaalinta 2-aad kadib markii xalay laga badiyay kulankii ugu horeeyay.

Kooxda Granada ayaa sii waday wacdaraha iyada oo ku jirta kaalinta 3-aad hal dhibicna ka dambaysa kooxda Real Madrid kadib markii ay garaacday kooxda Osasuna.