Akhriso Magacyadda Hogaamiyaal Ka Tirsan Al,shabaab Oo Duqeyn Lagu Layay.

883

saraakiil ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Duqeyn Ku Dilay Horjoogeyaal iyo dagaalmayaal  Al-Shabaab Ka Tirsan

Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro  kusoo qaadaan degmada Awdheegle .

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Radio Muqdisho in duqeyntan lagu qaarijiyey Horjooyayaal iyo dagaalmayaal ka badan 20 waxaana Horjoogayaashaas ka mid ah ku xigeenka Horjoogaha Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).

Horjooge Xasan Jiiroow oo xalay ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan.