Warbixin:- Xaasaasi ah Soyaalka Siyaasadda Musharaxinta Ugu Cad Cad Olalaha Dorashada Galmudug

1011

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) Wasiiru-dowalaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo soo noqday Wasiirka arrimaha gudaha ayaa shaaciyey in ay u sharraxan yihiin qabashada xilka madaxweynaha dowladgoboleedka Galmudug, waxa jira musharixiin kale balse saadaashu waa in loollanka ugu adag uu dhexmaraya labadan musharax.

Xildhibaan Odowaa ayaa dabayaaqadii Agosto-2019 iyada oo ay gadaal kataagan yihiiin saaxiibadiisa siyaasaddu waxa uu ka sheegay xaflad kooban oo kadhacday Muqdisho in uu gaaray go’aanka musharaxnimadiisa kaddib markii uu kaashaday waaya-aragnimadii uu helay intii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

Haddaba maxaan ka naqaan Sooyaalka labada musharax iyo Siyaasad ahaan dhinaca ay jiraa?

Qoraalkan ayaa si furan u lafaguraya

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa

Sooyaalka Siyaasadda

Musharax Odowaa hadda waa xildhibaan katirsan golasha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uu soo galay Baarlamaanka sanadkii 2012, isaga oo kamid ahaa xildhibaanadii kasoo galay  dowladgoboleedka Galmudug iyaga oo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed kahelayey kooxda Dam Jadiid, waxa uu noqday wasiirka Arrimaha gudaha xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud halka musharax (Qoorqoor) Wasiiru-dowalaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska uu kamid ahaa xukuumaddii kmg ahayd ee madaxweyne Sheekh Shariif

tababarka iyo soo gelidda  siyaasadda Cabdiraxmaan Odowaa waxaa kaalin weyn kulahaa kooxda Damjadiid oo qayb ka ahayd xarakada Al Islaax ee Soomaaliya, taas oo khilaaf kaladhexgalay 2006 xilligii maxkamadaha midoobay ay qabsadeen Muqdisho uu sababay in ay u kala qaybsanto Dam Qaddiim & Dam Jadiid balse musharax Qoorqoor illaa iyo hadda inta la og yahay kamatirsana koox gaar ah waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta si madax bannaan u galay siyaasadda kaddibna la macaamila hadba cidda hoggaamisa xukuumadda iyada oo aan diidmada iyo ogolaanshuhu kuxirnayn hab kooxeed.

Musharax Odowaa Dhinaca aragtidiisa siyaasadeed marka la eego  munaasabaddii musharxnimadiisa waxa uu kajeediyey hadal u muuqday in uu metelayo koox siyasadeed oo uu katirsan yahay waxa uu yiri: Waxaan kaddigayaa in Afduub lagu sameeyo rabitaanka reer Galmudug si natiijo gaar ah loo soosaarto, Annaga ayaa idinkaga qibrad badan soo dhisitaanka maamul oo soo dhisnay Galmudug iyo Hirshabeelle!

Hadalkaas musharax Odowaa waxa uu muujiyey in ay jirto koox uu kutirsan yahay oo tartan siyaasdeed kula jirto xukuumadda Nabad & Nololl, waxaana suuragal ah in uu yahay musharax aan kooxdiisa ka madax bannaanaan Karin xitaa marka uu kujiro ololaha doorashada oo uu u baahan yahay codka iyo kalsoonida dad aan kamid ahayn kooxdiisa iyo taageerayaasheeda, taas beddelkeeda musharax Qoorqoor waxa uu u hadlay hab isaga iyo qorshihiisa ku kooban oo aan cid iyo koox kale kadhexmuuqan xitaa haddii ay jirto, waxa uu yiri:

Waxa aan howlgelin doonaa xoogga iyo aqoonta dadka Galmudu, waxa aan kashaqeyn doonaa dhammeystirka iyo tayeynta hay’adaha dowladda, waxa aan ahmiyad siin doonaa mashruuca dekedda Hobyo

Yaa ku xeeran labada musharax?

Marka si fiican loo eego safka hore ee munaasabaddii ololihiisa doorashada ee xildhibaan Odowaa oo Muqdisho kadhacday waxa fadhiyey xildhibaano iyo siyaasiyiin ay wada socdaan ama ay xiriir siyaasadeed wadaagaan xildhibaan Odowaa ama ay kawada tirsanaayeen kooxda Damjadiid muddo kudhow 8 sano, siyaasiyiintaas qaarkood waxa ay hayaan xilal, qaar waa xildoon kuwana xukuumado hore ayay kamid ahaayeen dhammaantoodna  waxa ay katirsan yihiin mucaaradka aan habeysnayn ee ku kacsan xukunka Nabad iyo Nolol.

Taas marka lagu fiiriyo indhaha qiimaha siyaasadeed ee Galmudug (Galmudug Political value) waxba uma gooyaan ololaha Odowaa mar! Mar kalana sooyaalkooda siyaasdeed oo qaba dhaawac siyaasadeed (Political Damage) iyo dagaallo siyaasdeed oo ay soo galeen ayaa waxa ay ka fogeynayaan fursado uu kusamayn karo xiriir iyo furfurnaan cusub.

Dhinaca dhaawaca siyaasadda ee Musharax Odowaa waxa uu billowday intii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha, si gaar ah 2015 markii uu socday dhismihii dowlad-goboleedka Galmudug, waxa uu beddelay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay kawada-tirsanaayeen Damjadiid, waqtigaas kooxda Musharax Odowaa ee Damjadiid waxa ay xoog iyo xeelad isugugeysay xulashada iyo soosaaridda metelayaasha Galmudug ee Baarlamaanka federaalka iyo dowladgoboleedyada kale oo ay u arkeysay in ay muhiim u tahay dib u soo noqoshada xukunka doorashadii 2017.

Taas beddelkeeda munaasabadii musharax Qoorqoor waxaa safka hore fadhiyey dad kaladuwan oo qaarkood kamid yihiin xukuumadda uu katirsan yahay Wasiir Qoorqoor, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta fadhiyey marka la garabdhigo kuwa joogay mnaasabaddii Odowaa waxaa muuqatay in ay uga dhow yihiin xafiisyada go’aanka leh waxa ayna siyaasiyiinta ku xeeran Qoorqoor kafursad badan yihiin siyaasiyiinta garab taagan Odowaa.

Caqabadaha iyo Fursadaha

Caadada siyaasadda Soomaaliya siyaasiyiinta xilalka muuqada ee wasiir, xildhibaan illaa Madaxweyne soo qabtay lana yaqaan waxtarkooda iyo qaladkooda siyaasadeed waxa ay ka fursad hooseeyaan siyaasiyiin cusub ee aan wax weyn laga aqoon waxtarkooda iyo qaladkooda siyaasadeed, cadadaas marka lagu miisaamo Xildhibaan Odowaa iyo musharax Qoorqoor waxa suuragal ah in aan musharax Odowaa helin codad u suurageliya qabashada xilka madaxweyne ee Galmudug halka ay aad suuragal u tahay in Qoorqoor isaga oo kafaa’iideysana fursadaha uu haysto iyo dhaawac la’aantiisa siyaasadeed in uu helo codad ku filan in uu noqdo madaxweynaha 3aad ee Galmudug.

  • Kooxdii soo tababartay Musharax Odowaa oo uu weli kayahay lambar culus maanta isudhiganta siyaasadda iyo maamulka dalka miisaan kuma lahan, laanta ay kujiraan xubnaha ugu badan ee  kooxdaasi waa hay’adda xeerdejinta hayeeshee xildhibaanada ugu badan ee ku lugta leh dhismaha iyo geeddi socodka Galmudugna waxa ay kujiraan safka Nabad & Nolol taasina waxa ay fursad siin krtaa ololaha madaxtinimo ee musharax Qoorqoo