Wararkii ugu danbeyey. Kulan Ka Soconaya Dhuusa Mareeb Raaiisul Wasaare. KHEYRE. & Ahlusuna.

910

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku hoyday Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo uu garay gabaldhicii xalay,waxaana la sheegay in halkaasi u ka wado kulamo kala duwan.

Wararku waxa ay sheegayaan in xalay Ra’iisul Wasaare Kheyre uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxdii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug,isaga oo kala hadlayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

U jeedada uu Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u tegay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qeyb ka aheyd qancinta hoggaanka Ahlusunna uu saluug badan ka muujiyay howlaha ay dowladda ka wado Magalada dhuusamareeb iyo furitaanka Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.