Wararkii ugu Danbeyey, Ee Ka Imaanaya dhuusa mareeb & Mashquul Xoogan oo Laga Dareemayo,

962

Caasimada Galmudug Ee Dhuusa mareeb waxaa laga Dareemayaa Mashquol aad u Xogan

waxaa ku qul qulaya Wafuud kala Duwan oo ka qeyb galeysa Shirka Maamulka Cusub loogu Sameynaayo Galmudug,

Raaiisul wasaare Xasan Ali Kheyre oo shalay xili danbe gaaray Dhuusa mareeb ayaa kulamo muhiim ah la qaadtay Bulshada iyo Waxgaradka magaaladaas, si door muuqada ay oga qeyb qaadtaan Didaalada dowladda ay ku dhiseyso Galmudug Cusub,

Dhan kale waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Dhuusa mareeb. waxaana iska kaashanaya Amaanka magaalada Ciidanka isku dhafka Ee Dowladda iyo Kuwa Amisom islamarkaana ku sugan goobaha  muhiimka ah ee Magaalada Dhuusa mareeb iyo Xarumaha Dowladda

Maalinta bari ah ayaa lagu waddaa in uu si rasmi ah u furmayo shirka Dib uheshinta beelaha Galmudug, sida ay sheegtay wasaarada arimaha Gudaha Somaliya,

 

wixii ka soo kordha halkaan ka socoda,